U bood dhigaalka

Qoysas noloshoodu liidato oo deeq afur ah loogu qeybiyay Muqdisho

Sheeko:War
IMG_8124
Dan yar loo qeybinayo raashin afur ah

Bisha Cas ee dowlada Imaaraadka Carabta ayaa maanta Qoysas iskugu jira Barakacayaal iyo kuwa danyar ah u qaybisay Raashin afurin ah, kuwaasi oo ku dhaqan xeryo ku yaalla degmooyin dhowra oo ka tirsan magaalada Muqdisho.
Afurintan ayaa waxaa la gaarsiiyay ilaa shan Degmo ,kuwaasi oo kala ah: Shangaani,Cabdicasiis, Warta Nabada,hodon iyo Dharkeynlay .degmooyinka deeqdan la gaarsiiyay waxaa ku nool qoysas ay aad u liidato dhaqaalahooda.
Hooyo ka mid ah barkacayaasha Shangaani  oo lagu magaacaabo Faadumo Cabdullaahi  ayaa ugu horeyn ka mahad celisay afurintan ay soo gaarsiiyeen Bisha Cas ee Imaaradka Carabta,
Dhanka kale, Sacdiyo cali   ayaa si wayn uga mahad celisay raashinkan bisil ee ah Afurka iyo cashada ee ay soo gaarsiiyeen Bisha Cas ee Imaaradka Carabta.

Dowlada Imaaradka Carabta ayaa waxay ballan qaaday inay ka bixin doonto16-ka Degmo ee Gobolka Banaadir inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan raashin bisil oo ah Afur iyo Casho ,kaasi oo ay ugu tala gashay dadka saboolka ah ee aadka u taagta daran.