U bood dhigaalka

Qoysas Soomaaliyeed Oo Ka Cabanaya Hoy La’aan

Sheeko:Dalka

Qoysas Soomaaliyeed oo deggan duleedka magaalada ayaa ka cabanaya xilligaan Hoy la’aan kadib markii guryahooda burburiyeen roobabkii da’ay.

Dadkan ayaa u badan barakacayaal, waxayna deggan yihiin inta u dhaxeysa Carbiska iyo deegaanka Ceelasha biyaha, waxayna sheegeen in xaalado adag oo dhanka nolosha ah ay sidoo kale u wehliso hoy la’aanta.

Macallin Aadan Shariif oo kamid ah waxgarad u hadlay dadkan ayaa u sheegay Goobjoog News in roobabkii da’ay ay buburiyeen guryo badan oo ay dadkan deganaayeen, waxaana guryahan ka sameysnaayeen cooshado iyo baco la isku keenay.

“Walaalow waxaan ka cabaneynaa hoy la’aan roobabkii da’ay ayaa guryihii naga burburiyey, hadda kuwa socdana dusheenna ayeey ku socdaan, waxaan u baahannahay caawinaad buuxda, waxaa intaan inoo dheer raashiin la’aan, annaga waxaan kasoo barakacnay dagaallada gobolka Shabellaha Hoose” ayuu yiri Macallin Aadan.

Ugu Dambeyn waxa uu Macallinka ugu baaqay maamulka gobolka Shabellaha Hoose, Koonfur Galbeed, dowladda Federaalka iyo Hay’adaha samafalka ah in gurmad degdeg ah ay dadkani lasoo gaaraan.

Goobjoog News