U bood dhigaalka

Qoysas xaalad adag ku hayso kaamam ku yaala duleedka magaalada Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayaa lasoo sheegayaa in xilligaan ay soo wajahday qoysas badan oo ku nool kaamam ay deganyihiin dad barakacayaal ah kuwaa oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.

Kaamamkaan oo ku yaala deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaa ku sugan qoysas badan oo kasoo barakacay deegaano kale oo gobalka Shabeelaha Hoose ka mid ah, waxaana ay sheegeyn in hadda aysan haysan wax badan oo nolosha ay ku maareyn lahaayeen.

Qaar ka mid ah dadkaan ayaa inoo sheegay in hadda waxyaabaha ugu muhiimsan ee aysan haysan ka mid tahay Biyo yari, raashiin la’aan iyo sidoo kale adeega dhanka caafimaadka ah oo aanay helin.

Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ah ayeey ugu baaqeyn in ay gurmad deg deg ah lasoo gaaraan, iyaga oo tan iyo intii halkaasi ay ay degeen sheegay in aanay helin wax ku filan.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News