U bood dhigaalka

Qoysaska ag degan hareeraha webiga Shabeelle oo qatar ugu jira fatahaada webiga

Sheeko:Dalka

Wax garadka degmada Afgooye ayaa sheegay in xaalad qatar ah ay ku suganyihiin qoysaska ku nool hareeraha webiga Shabeelle ee mara gobolka Shabeellaha hoose.

Guddoomiyaha iskaashatada beeralayda gobolka Shabeellaha hoose Xasan Malaaq Xuseen ayaa tilmaamay in arrintan ay taagantahay xilligii wax laga qaban lahaa.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in laga hor tago fatahaada oo carro lagu shubo meelaha cabsida laga muujiyay.

Xasan Malaaq Xuseen ayaa carabka ku dhuftay in halista ugu daran laga muujiyay in ay gaarto beeraha u dhow tuulada Mareeray iyo Aw-dheegle.

Dowladda Federaalka iyo hay’adaha sama falka ayuu ka dalbaday masuulkan in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qabtaan.