U bood dhigaalka

Qoysaska Barakacyaasha Oo Ka Cabanaya Hooy La’aan

Sheeko:Dalka

Qoysaska barakacyaasha ku ah duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay heysato xaalado dhanka nolosha ah.

Qoyasaskan ayaa waxaa ay ka cabanayaan waxaa ugu weyn ineysan jirin hooy ay kagalaan roobka, iyaga oo dhanka kale tilmaamay in meeshii ay deganaayeen laga barakiciyey.

Waxay sidoo kale ay  ka cabanayaan in aysan heysan wax ay cunaan, ayna gaajo iyo rafaad ay ku heysato deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qoysaskan ayaa codsanaya in lala soo gaaro kaalmooyin degdeg ah maadaama lagu jiro xilliga roobka, kuwaasi oo jiifa meel banaan ah oo aysan jirin meel ay ka galaan dhibicda roobka.

Goobjoog News