U bood dhigaalka

Qoysaskii ka barakacay Baladweyne oo la gaarsiiyay gar gaar bini’aadanimo (Dhageysi iyo Sawiro)

Sheeko:Dalka

Hay’ada DRC ayaa markii ugu horeeysay qoysaskii ka barakacay Fatahaada Wabiga Shabelle ee kunool deegaanka Ceeljaale ee gobalka Hiiraan waxa ay gaarsiisay adeegyo isugu jira Baco,Maro-kaneeco,bustooyin iyo alaabta raashinka lagu karsado.

In ka badan Kun qoys ayaa ka faa’ideeystay adeegyadan,waxaana qeybinta, ka qeyb qaadanayay Maamulka degmada iyo Talisyada Booliiska baladweyn iyo Amisom.

Duqa Magaalada Beledweyn Cumar Baadiyoow ayaa ugu baaqay Hay’adaha kale inaay ka qeyb qaataan Gargaarka loo sameeynayo dadka, waxaana uu ka mahad celiyay qeybinta Alaabta DRC.

Taliyaha Booliiska Degmada Beledweyn Korneel Cali Dhuux Cabdi Mahad-alle ayaa sheegay in amaanka Hay’ad kasta oo wax qeybineysa aay diyaar u yihiin in ay sugaan.

Halkaan hoose ka dhageyso

Halkaan hoose ka daawo sawirada

6 5 3 4 2 1