U bood dhigaalka

Qoyska Ikraan Tahliil Oo Dalbaday In La Furo Dacwad Ka Dhan Ah Hogaankii Hore Ee NISA

Sheeko:Amniga

Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada Qalabka sida u gudbiyay Cabasho ka dhan ah Hogaankii hore ee taliska NISA .

Fahad Yaasiin, Kulane Jiis, Cabdillahi Wadna Qabad iyo Yaasiin Fareey oo dhamaantood NISA xilal ka hayay ayaa lagu eedeyay in ay qeyb ka ahaayeen kiiska Ikraan Tahliil.

Abuukaate Daahir Maxamed Cali oo ah abuukataha qoyska Ikraan Tahliil ayaa Xafiiska xeet ilaalinta ka dalbaday in la bilaabo galka ka dhanka ah Raggaan.