U bood dhigaalka

Qoyska Ilmo Yar oo uu Waraabe Cuney oo Warbaahinta La Hadlay

Sheeko:Dalka

Meel 30 kiilo mitir u jirta magaalada Laascaanood ayaa waxa uu bahal ku qaaday ilmo yar oo gabar ah, waxayna noqoneysaa markii labaad oo xiriir ah oo isla meeshaasi qoyskaasi bahal oga cuno qoyskaasi.

Seynab Cabdi Maxamed oo qaraabo la ah qoyska ilmaha laga qaatay oo Goobjoog la hadashaya ayaa ka sheekeysey qiso murugo leh oo ku saabsan qaabka uu bahalka u qaatay ilmaha.

“Walaaloow waa ilmihii labaad oo nalaga cuno, meesha ay ka dhacdayna waa Ari Cadeeye, dooxada Abeesaleey”

“Markii reerkii arigii ay soo xareeyeen oo xeradii lagu gurey ayaa hooyadii iyo aabihii oo arigii celcelinaya ayuu hooyadii waxa uu ku yiri ila celi orgigan, marka caruurta waxa ay ahaayeen shan caruur ah, shan gabdhood iyo hal wiil ah, meesha ayayna fadhiyeen, markii ay gabadhii kasoo dhaqaaqdey buulkii hortiisa oo ay is tiri la eri orgiga, kadibna malaha meeshii ay ka dhaqaaqdey buu taagnaa wuuna u dabo maray, caruurtii tii u yareyd buu soo dhufsaday, markii ay jaqiiqdii la maqleyna waa la ifiyey, mise waaba wataa “ ayay tiri.

Waxa ay intaasi ku dartay in aabihii uu ceersaday dhurwaagii ilmaha qaatay, halka hooyadii ay guriga kala soo orodey qorigii reerka u yiiley, kaasi oo argagax dartiis ay fargadda inta qabatay furtey xabbada taasi oo xitaa dili gaartay ilmaha aabahood oo bahalka ersanayay.

Seynab ayaa sheegtey in inkasta oo bahalka uu lahaa qaab dhurwaa, haddane ay aad ola yaabeen dhiiranaanta intaasi la’eg ee uu ilmo ku dafay reerka dhexdiisa, waxayna shaki galisey in waxa ilmaha dafay uu noqon karo waxa loo yaqaano Qori Ismaris.

Hooyadii ilmaha dhashay ayaa la sheegey in ay aad ola muraara dilaacdey dhacdada naxdinta leh, iyada oo horey qoyskaasi qoys qaraabo la ah uu sidan oo kale wiil yar isla bahalkani oga dafay.

Goobjoog News