U bood dhigaalka

Qudus: Khasaaro Ka Dhashay Gabood Fallada Isreal ee Masjidka Al-Aqsa

Sheeko:Amniga

Ugu yaraan 20 qof  oo ay ku jiraan sagaal carruur ah – ayaa lagu dilay duqeymo xagga cirka ah oo ciidamada Yahuudda ay ku qaadeen Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa halka in ka badan 520 qof dhaawacyo loo geystay  , sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin .

Qaar ka mid ah Falastiiniyiinta oo warbaahinta la hadlaya ayaa xaqiijiyay in carruurta dhaawaca uu soo gaaray ay ku jiraan kuwa da’dooda ay ka yartahay 10 sano.

Benjamin Netanyahu, ra’iisul wasaaraha Israa’iil, ayaa wuxuu ku eedeeyay kooxda  Xamaas inay ka gudbeen “khad cas” oo ay la socdeen gantaalkii ay ku weerareen magaalada Qudus wuxuuna ballan qaaday jawaab adag.

Yahuudda ayaana Maalmihi la soo dhaafay si gabood fallo ka baxsan bini aadanimada ka geeystay gudaha masjidka seddaxaad ee ugu barakada Badan Islaamka Al-Aqsa.

Boqolaal Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale lagu dhaawacay intii ay socdeen gabood falada xukuumadda Tel Aviv, kuwaas oo ka socda hareeraha xarunta Masaajidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus.

Muuqaalo fiidiyow ah oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay booliska Israel oo rasaas nool nool iyo hub kale ku tuurayada Muslimiinta Falastiiniyiinta.

Isreal ayaa muddo nus qarni ah weeraro iyo gabood Fallo caalamku ka aamusan yahay ku wadda Muslimiinta Falastiin.