U bood dhigaalka

Qunsul Axmed Suudaani “Dadadaalka lagu doonay inaan dib ula soo wareegno maraakiibta Soomaaliya ka maqan ma yara”

Sheeko:Dalka

Qunsulka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen ayaa faah faahin ka bixiyay halka ay marayaan dadalada lagu doonayo in dib loogu soo celiyo maraakiibta Soomaaliya ee gacanta ugu jira ganacsato Yemen ah.

Qunsulka oo u waramay Goobjoog Fm ayaa sheegay in ay jiraan xukuno ay maxkamad horay u riday, sidoo kalena weli ay jiraan shaqaalo Soomaali ah oo maraakiibtaan saaran.

Dhanka kale qunsulka oo aynu wax ka weydiinay xaaladda qaxootiga dadka Soomaalida ah ayuu sheegay in ay yihiin kuwo aad u wanaagsan, sidoo kalena noloshooda xilligaan ay wax iska bedalayso.

Qunsul Axmed Suudaani ayaa dhinaca kale faah faahin dheeraad ah ka bixiyay doon u rarneed ganacsato Soomaali ah, kuna wajahneyd Boosaaso taa oo cillad soo wajahday, sidoo kalena ay saarnaayeen dad badan oo doonayay dalka in ay kusoo laabtaan, iyo xaaladda guud ee dadkaasi sida ay tahay.

Marka laga hadlayo dadkii tahriibka ku tagi jiray Yemen ayuu mr Suudaani ku sheegay in ay yihiin kuwo aad uga yar xilligii hore, hadana dadka ay yihiin kuwo badi dalkaasi kasoo tagaaya.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News