U bood dhigaalka

Qunsuliyadda Mareykanka ee Istanbul oo Howlaheedii Hakisay Kadib Markii La Weeraray

Sheeko:Dalka

Qunsiliyadda Mareykanka ee Istanbul ayaa howlaheedii hakisay kadib markii weerar ay ku soo qaadeen labo nin oo hubeysan.

Wararka waxaa ay sheegayaan in Labada nin ay carareen halka la xiray haweeney laga shakiyay in ay arinkaas ku lug laheyd.

Weerarkan waxaa uu dhacay saacado kadib markii weerar kale lagu qaaday Bar ay lahaayeen Booliiska oo ku taalay Istanbul, 10 qof ayaa goobta ku dhaawacantay 7 Rayid ah iyo 3 Askari.

Dalka Turkiga ayaa dagaal kula jira Kurdiyiinta iyo Daacish, lamana oga cidda weerarkan geysatay.