U bood dhigaalka

Qunsulka Yemen: Meydka Dadkii Duqeynta Ku Dhintay Weli Lama Aasin, Dhaawacyadana 7 Halis Ah Ayaa Ku Jirta

Sheeko:Dalka

17-kii Maarso ee sanadkan, in ka badan 40 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa gantaal lagu dhuftay iyada oo ku sii jeeday dalka Suudaan, falkaasi waxashnimada ah, mas’uuliyadiisa cidna ma qaadan, xataa baaritaan lama bilaabin.

Qaxootigan la laayey oo watay warqado aqoonsi oo rasmi ah oo ay bixisay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa duqeynta kadib, waxaa lagu celiyay magaalada Xudeyda ee dalka Yemen, inta dhimatay meydadkii illaa iyo hadda lama aasin halka weli ay jiraan dhaawacyo culus oo u baahan in la daweeyo.

Qunsulka Soomaaliya ee dalka Yemen Axmed Cabdi Xasan oo aanu wareysi gaar ah la yeelanay waxaa uu  Goobjoog News u sheegay arrimaha dadkaasi la duqeeyay ay ku jirto ajendaha dowladda kuwa ugu muhiimsan.

Mr. Axmed waxaa uu intaa ku daray in ra’isul wasaare Xasan Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Yusuf Garaad iyo mas’uuliyiin kale ay  kulamo gaar ah arrintaasi ka yeesheen , isla markaana la iska dhageystay  sidii dadkaasi xaaladdooda wax looga qaban lahaa sida: In meydadkaasi  ehaladood la raadiyo, oo markaasi kadib la aaso.

Illaa hadda 9 qof ayuu sheegay in qoyskoodii laga helay magaalada Burco, ehalladaasi oo ay codsaday in meydadka loo aaso, arrintaas oo bilow u noqon karta in la aaso dhammaan meydadka talaajadaha ku jira.

Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Yemen waxaa kaloo ka hadlay in dadka Xudeyda lagu celiyay  loo qeybiyay cunto iyo dawo, kooxaha halkaasi heystana laga codsaday in ay u fududeeyaan koronto, waxaa kaloo jirta in haweenka iyo caruurta ay la wareegtay hey’adda IOM oo la geeyay xero qaxooti.

Mudane Axmed Cabdi waxaa uu xaaladda dadkii la duqeeyay u kala saaray 3 qeybood:

Meydadka: illaa 31 meyd ayaa  ku jirta Tallaajado magaalada Xudeyda, kuwaas oo lagu wado in la aaso markii eheladooda la helo.

Dhaawacyada: Dhaawacyada hadda isbitaallada ku jira, waxaa uu ku sheegay  qunsulka illaa 17 qof oo 7 ka mid ah dhaawacyo culus soo gaareen, kuwaas oo haddii dalka Yemen wax looga qaban-waayo ay tahay in dal kale la geeyo, laguna daweeyo, arrintaas oo dowladda Soomaaliya xil iska saari doonto.

Maxaabiis: Inta soo hartay waxaa ay ku jiraan xabsi ama meelo dadka lagu haayo oo ku yaallo magaalada Xudeyda.

Dhinaca kale, Hooyo Sahro Cusmaan oo ka mid ah waalidiinta caruurtooda ku waayey duqeynta oo la hadashay Goobjoog News waxaa ay sheegtay in gurigooda uu weli murugo ku jiro, aaney ka wal-walsan yihiin sidii lagu asturi lahaa meydka gabadhooda.

Maamo Sahro waxaa ay sheegtay in duqeyntaas ay ku weysay gabadheeda Xafso Cumar Ismaciil oo 20 jir ah, gabadhaas oo Laas-caanood ka tagtay sanadkan bishii labaad ayaa ka mid noqotay 42 Soomaali ah oo gantaal lagu dhuftay iyaga oo ku safraya badda u dhaw Yemen.

Hooyo Sahro Cusmaan waxaa ay Goobjoog News u sheegay in aan weli cidna la soo hadlin, iyada oo hey’adaha arrimaha aaska ku shaqada leh ka codsaday in gabadheeda la asturo, loona xaqiijiyo in la aasay.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa ay sheegeysaa in uu socdo dadaal ah in meydka la aaso, dhaawacyadana laga soo saaro meesha ay ku jiraan, arrintaas oo dhawaan la soo gabagabeyn doono, warna laga soo saari doono.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,  Goobjoog News