U bood dhigaalka

Qurbajoogta Turkida oo Maanta Codkooda Dhiibanaya, Halka Ololihii Ugu Xooganaa ay Socdaan

Sheeko:Amniga

Doorashada Turkiga oo la gudo galay wareegga labaad ayaa waxaa maanta oo Sabti ah bilaabatay codbixinta ay ka qeyb qaadanayaan muwaadiniinta dalka Turkiga, kuwaas oo ku kala sugan wadamada caalamka, waxaana ay Codbixintu  socon doontaa ilaa 24ka May.

 Guddiga sare ee doorashada ee loo soo gaabiyo (YSK), ayaa waxaa laga soo xigtay  sanaadiiqda cod bixinta in la  dhigi doono ilaa 167 goobood oo ka mid ah 151 wakiillada Turkiga ee 73 waddan, kuwaas oo ay ku nool yihiin muwaadiniinta Turkida ee Qurbojoogta ah.

Doorashada Qurbajoogta marka ay dhamaato habka cod bixinta ee dibadda, codadka waxaa la geyn doonaa dalka  Turkiga , halkaas oo lagu tirin doono, iyadoo si weyn loo sugayo amniga sanaadiqda, doorashada sanadkaan ayaa siweyn ah mid la isugu haayaan dhinacyada.

Doorashada guud ee gudaha dalka Turkiga ayaa waxaa ay bilaaban doontaa 28-ka May, waxaana socda ololihii ugu dambeysay, taas oo u dhaxeysa xisbiga talada haya iyo Jamhuuriga, waxaana dhinac walba uu isku dayayaa inuu taageerayaashiisa ku qanciyo in ay codka siiyaan.

Madaxweyne Erdogan ayaa sanadkaan cadaadis adag kala kulmaya Kemal Kılıçdaroğlu oo ah hoggaamiye xisbiga Jamhuuriga, kaas oo lagu eedeeyo inuu u janjeero siyaasadaha reer Galbeedka iyo dowladda Mareykanka, halka Erdogan dhankiisa uu ku faanayo in 20-kii sano ee lasoo dhaafay wax badan uu ka qabtay dhaqaalha dalka.

Goobjoog News