U bood dhigaalka

Qurbejoog Dib u Dhis Ka Billaabay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa dalka dib ugu soo laabanayey Qourbejoog badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo dalka ka hayaamay xilligii burburka, waxayna qaarkood doonayaan inay ka qeybqaataan horumarka iyo dib u dhiska dalkooda hooyo.

Qurbejoogta dib ugu soo laabatay dalka ayaa iyagu wadanka ka hirgeliyey agabyo ganacsi oo casri ah iyo sidoo kale Hoteello muuqaallo qurux badan leh, kana qeybqaadanaya bilicda iyo horumarka dalka.

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa ku soo badanayey maalmahan dambe Qurbejoog dib ugu soo laabanayey halkaasi, waxayna ka qeybqaadanayaan dib u dhiska iyo horumarka.

Kiin Maxamed Jaamac waxa ay in badan ku sugneyd Qurbaha, waxayna hadda dib ugu soo laabatay magaalada Gaalkacyo iyadoo sheegtay in mudadii ay ku sugneyd magaalada ay wax badan ku soo kordhisay.

“Wadankaan wax badan baan ku soo kordhinay, shaqsi ahaan waxaan ka furay carwo, waxaan keenay waxyaabo badan oo dadku u baahnaayeen siiba dumarkeena, waxaa ka mid ah waxyaabaha aan keenay dharka, Kareemyada iyo waxyaabo badan oo dalka laga helin gaar ahaan dhanka magaalada Gaalkacyo, carwada ugu horreysay oo aan furay waayey kuna taalla Galmudug State, waxaana u arkaa inaan wax badan ku soo saa’idinnay” Kiin ayaa sidaasi u sheegtay Goobjoog.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo shaqo la’aan waddanka ku haysatay ayaa fursad u helay inay ka faa’iideystaan maalgashiga Qurbejoogtu ay ku sameynayaan magaallada, waxaana jira dhallinyaro badan oo qaarkood ka shaqeeya shirkado ay magaallada ka hirgeliyeen Qurbejoogta dalka dib ugu soo laabatay.

Shuceyb Gurey oo ka mid ah dhallinyarada Gaalkacyo kana shaqeeya mid ka mid ah shirkadaha ay magaalada ka hirgeliyeen Qurbejoogta ayaa sheegay in Qurbejoogtu ay wax badan ku soo kordhiyeen magaalada, shaqana u abuuray bulshadooda.

“Waxaan ka howlgalaa shirkad ka shaqeysa arrimaha korontada waxaana hirgeliyay mid ka mid ah Qurbejoogta Galmudug oo dhawaan dalka dib ugu soo noqday, inta aan shirkaddan la aasaasin waxaa gobolka ka jiray gaar ahaan Gaalkacyo dhibaatooyinka dhanka korontada ah iyadoo mararka qaar koronto dhan aysan magaaladaa ka jiri jirin” ayuu yiri Gurey.

Qurbejoogta weli iyagu waddanka ka maqan ayaa qaarkood aaminsan in Soomaaliya ay ka jirto xaalad amni darro taasi oo ku keentay in waddamo kale ay maalgashtaan sida ay mar kale inoo sheegtay Kiin Maxamed Jaamac oo iyadu markii hore aragtidaas oo kale qabtay.

“Aniga Saddex jeer baan imid waxaan mar walbo joogayey Bil, ma arkayn wax iiga baxay dalka waayo uma dhuun daloolin ganacsi ama inaan dego, intaan caano iska cabo ayaan iska noqon jiray waxaan aaminsanaa in dalka amni aanu lahayn, dadkaan maqan iyaguna sidan ayey aaminsanyihiin, laakiinse dalka waa mid nabad ah, dadkuna wey rabaan inay dalkooda ku soo laabtaan balse amniga ayeey shaki ka qabaan laakiinse aniga hadda waxaan arkaa in amni buuxa uu jiro oo wax dhibaato ah haba yaraatee aysan jirin” ayuu yiri Shuceyb.

Dalka waxaa imaanaya muwaadiniin badan oo sanado badan dalka ka maqnaa, waxayna hadda doonayaan inaysan ka maqnaan dib u dhiska dalka.

Goobjoog News