U bood dhigaalka

Qurbejoogta Soomaaliyeed Oo Ku Shiraya Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Shirkan oo looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga dalka ayaa ka furmey magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waxaana leh Qurbejoogta Soomaaliyeed.

Shirkan oo lagu casuumey dad ka badan 200 oo qof oo ka kala yimid wadamada caalamka iyo kuwo hore ugu soo laabtay dalka ayaa ulajeedada ugu weyn ee laga leeyahay waxa ay tahay in la dhiiri geliyo qurbejoogtii dalka ku soo laabatey ee horumarada la taaban karo ka sameeyey dhinacyada dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka iyo in lagu dhiiri geliyo qurabejoogta ka badan 2-da million ee ku nool caalamka sidii ay wadanka dib ugu soo laaban lahaayeen ugana qeyb qaadan lahaayeen Horumarinta dhaqaalaha iyo Maalgashiga dalka.

Shirka waxa ka soo qeyb galay masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdisalaan hadliye Cumar iyo  mas’uuliyiin ka socotey shirkadaha ganacsiga dalka, qurbejoog iyo qaar ka mid ah  dadka ku nool caasimadda Muqdisho.

Wasiirka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in qurbajoogta Soomaaliyeed aan la hilmaami karin doorka ay ka ciyaareen horumarka dalka.

Waxa uu xusey wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya lacagaha ay qurbejoogta u soo diraan dalka in loo baahanyahay in looga qeyb qaato kobacinta dhaqaalaha dalka, sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqey in loo baahanyahay in qurbejoogta iyo dadka gudaha ku nool ay si wadajir ah is kula shaqeeyaan si loo horumariyo dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale waxa goobta ka hadlay ganacsasato Soomaaliyeed waxa ayna sheegeen in waddanka uu horumarayo loona baahanyahay maalgashi lagu sameeyo dalka, qurbejoogtana aysan ka laaban oo ay dalka joogaan kana qeyb qaataan sidii loo xoojin lahaa horumarada dhanka dhaqaalaha, madaama dalka uu yahay mid dhaqaalihiisu iminka uu soo kabanayo.

Shirkan oo socon doona muddo Saddex maalin ah ayaa ah kii ugu horreeyey oo nuucaan ah oo lagu qabto magaalada Muqdisho, xillli goobo badan oo ganacsi oo laga hirgaliyey magaalada Muqdisho ay ka qeyb qaateen qurbejoog Soomaaliyeed kuwaa oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.

Goobjoog Business