U bood dhigaalka

Qunsulka Soomaaliya ee Yeman Oo Nasiib Darro Ku Sheegay In Dowlada Federaalka Ay Dusha Ka Daawato Dhibaatada Haysa Soomaalida Yemen

Sheeko:Dalka

Xuseen Xaaji Cabdi oo ah Qunsulka Soomaaliya ee Dalka Yeman ayaa wareysi dheer uu siiyay Goobjoog News uga hadlay xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen.

Qunsulka ayaa sheegay in uu filayey in madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda kale ee ku shiray Garoowe ay booqdaan qaxootiga Yemen ka yimid oo ku sugnaa Boosaabo iyo in ay lacag siiyaan dadkaas si ay u tagaan goboladdii ay dadkaas ka yimaadeen.

Xuseen Xaaji Cabdi waxaa uu sidoo kale ka hadlay in dadkan Qaxootiga ay ku dhib qabaan gudaha dalka Yemen, iyadoo aanay jirin waddo ay kusoo baxaan iyo baabuur soo qaada, 20 Litre oo shidaal ah waa $400 magaalada Cadan.

Qusulka waxa uu sheegay, in Safaarada kaalin ay ka qaadatay dib u soo celinta Qaxootiga Soomaalida oo Baabuur ay u soo kiraysay Dad aan awood ulaheyn in ay iska soo bixiyaan khaarashkii ay ku so raaci lahayeen baabuurta dadka geynaya labada dakadood ee dooyaha laga so racayo

Dhinaca kale, Qusulka Soomaaliya Dalka ee Yeman waxaa uu carabka ku dhuftay in uu arinta qaxootiga kala hadlay Madax badan oo Baarlamaan iyo Wasiiro leh, lakin aan weli wax laga qaban isagoo mas’uuliyadda dusha ka saaraya Madaxda Qaranka haddii ay dadkaas dhibaato soo gaarto.

Ugu dambeyntii, waxaa uu qunsulka soo hadalqaaday in Dowladda ay malaayiin ku bixiso beelo la heshiisiinayo halka aanay waxba u qaban dadka qaxootiga ah iyo dadkeeda ku le’anaya duqeybta iyo dhibaatada ka socota dalka Yemen.