U bood dhigaalka

R.W Cabdiweli oo Cambaareeyay weerarkii lagu dilay Taliyaha Booliska gobolka Bari

Sheeko:War
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya,  Cabdiweli Sheekh
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay galab ka dhacay degmada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasoo ay ku dhinteen Taliyahii Qaybta Booliska gobolka Bari ee Maamulka Puntland iyo Taliyihii ilaalada canshuuraadka beriga ee gobolka Bari.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy Madaxda iyo Shacabka Puntland, Wuxuuna ku dhiirgeliyay laamaha Amniga Puntland inay sii xoojiyaan dadaalka ay ku sugayaan amniga deeganadooda.

“Innaa Lillaahi wa inaan ileyhi raajicuun, geeridu waa xaq, noole walbana wuxuu marayaa dhimasho. Waxaana Eebbe uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo Taliyahii Qaybta Booliska gobolka Bari ee Maamulka Puntland C/raxmaan Cali Cabaas Muslim iyo Masuuliyiintii kale ee ku geeryooday qaraxii ismiidaaminta ahaa ee cadowgu ku bartilmaameed sadeen xilli waajibaadkooda shaqo gudanayeen” Ayuu yiri

RW Cabdiwali ayaa dhanka kalana ku aamanay maamulka Puntland sida ay deegaanadooda u nabadeeyeen, balse cadowga umadda Soomaaliyeed ay yihiin kuwo marba xeelad cusub u isticmaalayaa dagaalka fulaynimada ah.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa sheegay in xukuumadiisu ay si buuxda ula garab taagan tahay Maamulka Puntland dadaallada ay ku adkeynayaan ammaanka deegaannada ay ka taliyaan, si meesha looga saaro haraadiga cadowga Ummada Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

“Maamulka Puntland wuxuu si adag uga shaqaynayaa arrimaha amnigiisa, si ay u helaan nabad iyo mustaqbal wanaagsan, ayaa taas badalkeeda ku howlan yihiin nabad diidku sidii ay u qaadi lahaayeen weeraro fulaynimo ah oo ay waxyeelo ugu gaysanayaaan madaxda iyo shacabka, weerarkii lagu dilay Taliye C/rixmaan wuxuu calaamad u yahay dhibaatada ay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ku hayaan kooxaha dhagar-qabayaasha ah”.ayuu yiri RW Cabdiwali.

Ugu dambeyn. Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku tilmamay falkaas mid naxariis daro oo aan loo nisbayn karin diinta Islaamka isla markaana aan raad ku lahayn dhaqanka Soomaaliyeed.

—DHAMAAD–