U bood dhigaalka

R W Cabdiweli oo Dadka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidul Adxa

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan shucuubta kale ee Muslimiinta adduunka ugu hambalyeeyey munaasibadda Islaamiga ah ee Ciidul Axdaa. Mudane Cabdiweli ayaa farriintan hanbalyada ah ugu rajeeyey dadka Soomaaliyeed iney nabad ku ciidaan, kuna gaaraan ciidan ciideeda horumar, nabad, barwaaqo iyo midnimo.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa sheegay in Ciidan ay ku soo beegmeyso xilli horumar laga sameeyey siyaasadda, ammaanka iyo dhaqaalaha dalka, Isla-markaana dadaalada geedi-socodka dawlad-dhisidda iyo nabad-dhisidda Soomaaliya ay marayaan meeshii ugu wanaagsanayd, iyadoo sannadba sannadka ka danbeeya uu dalku ka soo hagaagayo oo aan marna dib loo noqon doonin. Waxa uu intaa ku daray, in xukuumaddiisu ay ku dadaalayso sidii ay dalka ku gaarsiin lahayd marxalad uu ka guuleysto caqabadaha horyaalla, iskuna filnaado in uu maareeyo dhammaan amuurihiisa gudaha.

Mudane Cabdiweli ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay Dawladda ku garab istaagaan dadaalka ay ugu jirto suggidda ammaanka iyo xoojinta dawladnimada Soomaaliya iyadoo loo marayo qorshayaasha iyo siyaasadaha qaran ee ay hormuudka ka tahay Xukuumaddiisu iyo heshiiska bulsho ee ay wada gaareen dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu intaa raaciyey, in la gaaray xilligii laga wada qaybgeli lahaa halganka qaran ee dib loogu astaynayo Soomaaliya, waxana uu shacabka xusuusiyey in danaha ummadeed ee aynu leenahay oo ay ugu muhiimsan yihiin adkaynta dawladnimadeena iyo midnimadeena ay u adeegayaan danaha dhammaan dadka Soomaaliyeed oo dhan, isla-markaana ay dadku qaataan nabadda, wax-wada-yeelashada iyo wada-noolaanshaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka nabadda diidan inay ka waantoobaan rabshadaha iyo daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, damacoodana ku raadiyaan jidka nabadda, wadahadalka iyo is-dhegeysiga.