U bood dhigaalka

R/wasaaraha XFS,Maamullada Degmooyinka Bakool iyo Odayaasha Dhaqanka oo ka wada Hadlay Horumarinta Gobalka

Sheeko:Amniga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo Magaalada Xudur kula kulmay maamullada degmooyinka Gobolka Bakool iyo Odayaasha dhaqanka , ayaa ka xog wareystay xaladaha ku xeeran dhammaan Degmooyinka Gobolka.

Maamulladda iyo odayaasha oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay booqashada uu ku yimid gobalka Bakool ayaa la wadaagay baahiyha ay qabaan bulshada gobalka ee u baahan in si deg deg ah wax looga qabto si deegaanku u gaaro horumar iyo barwaaqo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo maamullada degmooyinka iyo odayaasha dhaqanka ee kulanka uu la qaatay uga war bixiyay qorshaha socodka uu ku yimid gobalkaan Bakool iyo guud ahaan deegaannada dowlad gobleedka Koofur Galbeed, ayaa u sheegay in dowladdu ay wax ka qaban doonto baahiyaha jira ee caafimaad, waxbarasho iyo amni.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha, odayaasha dhaqanka iyo maamullada ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo qaar kamid ah xildhibaannada deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

  • Goobjoog News