U bood dhigaalka

Raashiin Mucaawino ah oo la gaarsiin doono qoysaska danta yar ee ku nool duleedka Magaalada Kismaayo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay mucaawino gaartay magaaladaasi, taa oo ay gaarsiinayaan qoysaska danta yar ee ku nool deegaanadii dhawaan lagala wareegay Al-shabaab.

Xasan Xareed oo xubin ka ah maamulka degmada Kismaayo wuxuu sheegay in deegaano dhowr ah ay ka bixiyeen gargaar ka kooban Bur iyo Sokor.

Deeganada gar gaarkani la gaarsiiyay waxaa ka mid ah, Buulo-gaduud, Qaam-Qaam, Yoontooy iyo meelo kale.

Waxa uu sheegay in sidoo kale ay raashin gaarsiin doonaan deegaano kale oo ay ku nool yihiin qoysas kale oo aad iyana u daran.

Dhanka kale mar uu ka warbixinaayay ammaanka magaalada Kismaayo, ayuu sheegay in uu wanaagsan yahay oo wax dhibaato ah aysan jirin, waxaana sidoo kale uu ka warbixiyay leerarka cad ceedda ku shaqeeya oo qeybo ka mid ah Kismaayo lagu xiray halka inta kalena qorshaha ay ugu jirto.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News