U bood dhigaalka

Rabshado Laga Baqayo Iney Ka Dhacaan Dalka Dr Congo

Sheeko:Dalka

Waxaa jirta qatar aad u xooggan oo kusoo fool leh xasiloonida dalka Dr Congo iyadoo qilaafka siyaasadeed ee ku aaddan mustaqbalka madaxweyne Joseph Kabila uu yahay mid aad u liita kaasoo ay suurtgal tahay inuu isku bedeli rabshado baaxad leh oo dalku galo sida uu sheegay ergeyga qaramada midoobay ee dalkaasi.

Madaxweyne Kabila oo xilka hayey tan iyo sanadkii 2001-dii ayaa waxaa horyaalla xannibaad Dastuuri ah taas oo u diideysa inuu markii Saddexaad xilka madaxtinimo u tartamo laakiin guddiga doorashooyinka dalka congo ayaa sheegay inay jiraan caqabado dhinaca saadka ah kuwaas oo kahor taagan in doorasho qabsoonto illaa inta laga gaarayo bisha December ee sanadka 2018-ka.

Dadka ku lugta leh siyaasadda ayaa u muuqanaya kuwa doorbidaya rabshado si ay rabitaankooda ugu guuleystaan ayuu yiri Maman Sidikou oo ah madaxa hawlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Congo oo loo yaqaano MONUSCO isagoo markaasi ka hor hadlayey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Iyadoo hawlgalka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ay intii karaankooda ah wax badan isku dayayaan oo ay amar u haystaan si shacabka loo ilaaliyo ayaa haddana baaxadda qatarta jirta ay ka weyn tahay awoodda hawlgalkeenna”  ayuu yiri Maman Sidikou.

Waxaa jirtay caro badan oo ay muujinayaan mucaaradka dalka Dr Congo iyagoo ku eedeynaya madaxweyne kabila inuu xilka iska sii haysto, bishii marso golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa ugu baaqay dalkaasi congo in doorasho ay dhacdo sanadkan.

Bishii hore dibadbaxyo looga soo horjeedo dowlaadda oo ka dhacay magaalada Kinshasa ayaa isku bedeley rabshado iyadoo daraasiin dad ah halkaasi lagu dilay, golaha ammaanka ayaa ugu baaqay xukuumadda Congo inay muujiso dulqaad waxaana goluhu ku booriyey hoggaamiyaasha inay ka sii darin xaaladda.

Hoggaamiye ka tirsan mucaaradka dalka Dr Congo ayaa la xilay xilli dambe oo axaddii ah iyadoo lagu eedeeyey inuu kaalin ku lahaa dibadbaxyo ka dhan ah dowladda oo ay ku dhinteen dad tiradoodu gaareyso 50 qof.

Goobjoog News