U bood dhigaalka

Radio Muqdisho “Zakariye Waxa uu Ku Jiraa Gacanta NISA”

Sheeko:Dalka

NISAWarbaahinta ku hadasha afka dowladda, gaar ahaan bogga idaacadda Raadiyoow Muqdisho ee Radiomuqdisho.net oo soo xiganaysa warsaxaafadeed ay soo saartay hey’adda NISA ayaa hadda faafiyey in Zakakiye Ismaaciil uu ku jiro gacanta hey’adda nabad sugidda qaranka ee NISA.

Waxa uu warka beeninayaa warar saacadihii ugu dambeeyey ay warbaahinta si weyn u faafisey oo ahaa in Zakariye oo maalmo ka hor isa soo dhiibey ay la wareegtey dowladda Kenya.

Mar sii horeysey sida uu Goobjoog u xaqiijiyey sargaal sare oo ka tirsan ciidamada dowladda ee gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Ceelwaaq oo lagu magacaabo Khaliif Nuur Xiireey, Zakariye ayaa waxaa la wareegey ciidamada dowladda Kenya.

“Sakariye Ceel-waaq baa lagu sheegayay markii hore, aniga ma arag, meesha uu ka galayna ma arag, laakiinse waan maqlay, Ceel-waaq sida aan ugu ogeyn xalay Kenya ayaa wadatay baan maqalnay, Wajeer Baa laga qaadayaa ayaa la yiri, warar baa jira oo leh Muqdisho ayaa Loo qaadayaa, xoog ayeey ku qaateen, waana arin aynu la yaabannahay” Ayuu yiri Khaliif Nuur Xiireen.

Zakariye ayaa waxa uu ahaa sargaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa xagga sirdoonka, kana mid ah madaxda ugu sareeysa, iyada oo dowladda Maraykanka ay madaxiisa saartay 3 malyuun oo doolar ciddii soo qabata.

Wali war rasmi ah kama soo bixin dhanka dowladda Soomaaliya iyo tan Kenya.

Goobjoog News