U bood dhigaalka

Rag dhac gaystay oo la soo bandhigay

Sheeko:Amniga

Taliska ciidamada Booliiska gobalka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay rag burcad ah oo dhac u gaystay qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Raggan gacanta lagu soo dhigay oo laga soo qabtay degmada Kaaraan ee gobalka banaadir ayaa la sheegay in ay gaari nooca raaxada ah oo uu watay muwaadin Soomaaliyeed ay ka dhaceen degmada Howlwadaag.

Taliyaha Booliiska degmada Howlwadaag Najiib Carab, ayaa sheegay in raggaan oo gaaraya illa iyo afar qof ay dhac u gaysanayeen shacabka iyaga oo iska dhigaya in ay ka tirsan yihiin laammaha ammaanka ee dowladda.

“Waxaan ku guuleysanay inaan helno xog ah in gaari laga dhacay Howlwadaag uu yaallo Kaaraan, waana ku guulaysanay burcada meelna ugama hari doono, waxaan leeyahay qof walbo oo burcad ah oo raba inuu Xamar ku dhuumaaleysto waan ka daba tageynaa,” ayuu yiri taliyaha saldhigga degmada Howlwadaag.

Dhinaca kale milkiilaha gaariga la dhacay oo la hadlay warbaahinta howlgalka kadib ayaa sheegay in gaariga uu watay walaalkiis xilliga dhaca loo gaysanayay, sidoo kale raggaan ay isku eekeysiiyeen in ay ka tirsan yihiin laammaha ammaanka.

“Gaariga waxaa la dhacay 22-kii bishii hore, habeen Jimco aheyd, waxaana laga qaatay wiil yar oo ila dhashay waxay u fariisteen meel lagu yaqaano askarta nabad sugidda waxay ku shideen toosh, sidaas darteed wuu ka istaagay waxayna ku amreen inuu gaariga ka dago, kadibna toorey ayey ku qabteen wayna isla wateen ku dhowaad 4 saacadood ayey wareejinaayeen markii dambena waxay ku tuureen meel wado ah,” ayuu yiri Shariif Xidig oo ah muwaaddinka dhibanaha u ahaa ragga la qabtay.

Goobjoog News