U bood dhigaalka

Rag Hubeysan Oo Degmada Wadajir Ku Dilay Shaqaale Ka Tirsan Garoonka Aadan Cadde

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan bistoolado ayaa lagu soo waramayaa in saakay ay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dileen ruux ka tirsan shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ragga wax dilay ayaa waxay saarnaayee sida la sheegay Mooto Labo Lugood, iyaga oo dilka ka dib baxsaday.

Marxuumka dhintay ayaa kasoo baxay masjid ku yaalla degmadaasi, hase ahaatee waxaa lagu toogtay meel aan sidaa uga fogeyn masjidka.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Wadajir ayaa u sheegay Goobjoog News in meydka marxuumka loo qaaday hoygiisa ku yaalla isla degmadaasi.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay kuwaa oo illaa iyo haatan halkaasi howlgallo ka wada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News