U bood dhigaalka

Rag hubeysan oo maanta abuukaate ku dilay degmada Dharkiinleey ee magaalada Muqdisho

Sheeko:War

0441Rag ku hubaysan bistoolado ayaa saaka degmada Dharkiinleey ee magaalada Muqdisho ku dilay nin qareen ahaa. Wararka ayaa intaa ku daraya in raga dilka geystay ay ahaayeen labo nin oo watay bistoolado. Dableyda ayaa abuukaataha ku toogtay goob ganacsi oo ku taallay xaafada mac-macaanka ee degmada Dharkiinleey.

Aadan Maxamed Cumar guddoomiyaha degmada Dharkiinleey ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka abuukaataha, waxa uu sidoo kale sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan cidii ka dambeysay dilka loo geystay Abukaatahaasi lagu magacaabi jiray Cawil Xabad.
Raga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday. Ma jirto faah-faahin dheer oo intaasi ka badan oo ku aadan qaabka dilka uu u dhacay.

Tan iyo bilowgii bishan barakeysan ee Ramadaan, waxaa Muqdisho ku soo batay dilal siyaabo badan loogu geysta bulshada qeybaheeda kala duwan oo ay ugu badanyihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, xildhibaanada iyo shaqaalaha dowladda.

Wararka Goobjoog news