U bood dhigaalka

Rag hubeysan oo weeraray gaadiid gargaar u waday Buulo Burde

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan oo la tuhunsanyahay nin ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa maanta dhexda u galay gaadiid gargaar u siday degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan. Wararka ayaa sheegaya in gaadiidka la weeraray ay la socdeen xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Qaraxyo iyo dhawaaqa rasaasta ayaa laga maqlay duleedka tuulada Halgan ee u dhow degmada Buulo-burde.

Wariyaha Gooboog FM Shukri Xuseen Sabriyeee oo ku sugan Beladwayn ayaa sheegtay in weli dagaalka uu socdo, waxaana si sax ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay is rasaaseentan.

Gaadiidka dhexda loo galay ayaa shalay ka ambababxay Beladwayn, waxaana uu ka yimid dowladda Jabuuti.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa xalay sheegay in ay gurmad gaarsiinayaan Buulo burde.