U bood dhigaalka

Rag Hubeysan Oo Wiil Dhallinyaro Ah Ku Dilay Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen wiil dhallinyaro ah oo warar kala duwan kasoo baxayaan waxa uu ahaa.

Wiilkaan oo magaciisa lagu sheegay Ciise Beyle ayaa la tilmaamay in isaga oo ku sugan Xaafadda Nasteexo ee degmadaasi ay dileen raggaan ku hubeysnaa Bistooladaha, iyaga oo intaasi ka dib goobta ka baxsaday.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in ciise Beyle uu ka shaqeyn jiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, inkastoo weli faah faahin rasmi ah aan laga helin.

Xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir waxaa sidaan oo kale dhowr jeer oo hore uga dhacay dilalka rag la shaqeynayay dowladda, iyadoo xaaladda halkii dilka uu ka dhacay ay tahay mid deggan.

Maamulka degmada Wadajir ayaan weli faah faahin ka bixin dilkaasi dhacay iyo hadii ay jiraan howlgallo ay ciidamada ammaanka sameeyeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News