U bood dhigaalka

Rag Lagu Eedeeyay Beerista Maandooriyaha Xashiiska Oo Lagu Xiray Jowhar

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska ee degmada Jowhar ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen rag badan oo ku eedeysan inay beerayeen maandooriyaha xashiiska loo yaqaano.

Taliyaha saldhigga Booliiska ee degmada Jowhar Maxamed Siyaad Canjeex oo la hadlay  Goobjoog News ayaa sheegay in raggani ay kusoo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen degmadaasi.

Waxa uu taliyaha tilmaamay in howlgalkaan aanu ahayn oo kaliya mid ku kooban degmada Jowhar ee ay ciidanku ku tageen dhammaan deegaannada degmadaasi hoos yimaada.

Dadkaan lasoo qabtay ayuu sheegay in la hor geyn doono cadaaladda, balse ma aanu sheegin taliyaha tirada rasmiga ah ee dadkaan lasoo xiray.

Ciidamada Booliiska ee degmada Jowhar ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay wadeen howlgal ballaaran oo ay ku sheegeen in amniga guud ay ku xaqiijinayaan.

Goobjoog News