U bood dhigaalka

Rag Lagu Eedeeyey Ka Ganasiga Caruurta oo Lagu Qabtay Afgooye

Sheeko:Amniga

Ciidanka ammaanka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa maanta ganata ku dhigay rag lagu eedeynayey iney ka gacnacsadaan  caruurta yar yar,

Raggaan oo labo ruux ahaa ayaa ciidamadu qabteen xili ay ku sugnaayeen bosteeda laga raaco gaadiidka, waxaana xiligaas ay wadeen gabar yar oo maalmo lagu la’aa degmada iyagoo doonayey in ay gaari lasoo raacaan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in raggaan ay qirteen in ay ka tirsan yihiin shabakad ka shaqeysa ka ganacsiga caruurta, waxaana haatan lagu xiray saldhigga degamada sida ay sheegeen laamaha aminga.

Raggaan maanta lagu  qabtay Afgooye ayaa sidoo kale qirtay in gabadha yar ee lagu qabtay soo qafaalitaankeeda  ay ku soo qaateen lacag, taas oo cadadkeeda ay dhan tahay 500$.

Gudaha dalka ayaa muddooyinkii dambe waxaa aad ugu badnaa caruurta yar yar ee lawaayo iyadoo dhowaan sidaan oo kale loo qabtay dumar sheegay in ay ka la shaqeeyaan ka ganacsiga caruurta yar yar.

Goobjoog News