U bood dhigaalka

Rag Loo Maleynayo Al-shabaab Oo Gubay Booyad Biyo Oo Ay Lahaayeen Ciidanka Dowladda Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in rag hubeysan islamarkaana loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ay gubeen Booyad biyo u dhaamin jirtay ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka Shabellaha Hoose.

Booyadan ayaa la sheegay inay cillad soo wajahday xilli ay mareysay deegaanka Cabdow Dibille oo degmada Afgooye u jirta 5 Km, waxaana la sheegay in dabley hubeysan u tageen kadibna gubeen.

Ma jirto wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay Booyadan la gubay, hase ahaatee ciidamada dowladda oo halkaasi tagey ayaa baadi goob ugu jira raggii falkaasi ka dambeeyay.

Booyadan waxaa biyaha ku qaadan jiray ciidanka dowladda Federaalka eek u sugan Xerada Laanta Buuro, welina saraakiisha amniga kama aanay hadal arrinkaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News