U bood dhigaalka

Rag Maraykanka Lacag Dul Dhigay Oo Mid Kamid Ah La Qabtay

Sheeko:Amniga

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay lacago fara badan dul dhigtay rag keenyaan ah kuwaas oo loo haysto ka ganacsiga daroogada iyo duurjoogta.

Min hal milyan oo dolar ayaay dowaldda Maraykanka sheegtay in ay dul dhigtay Badru Cabdulcasiis Saalax iyo Cabdi Xuseen Axmed.

Raggaan ayaa ku eedyesan ka ganacsiga daroogada iyo dhoofinta duurjoogta, waxaana la sheegay in durba gacanta lagu dhigay Badru Cabdulcasiis Saalax oo kamid ah labada nin.

Badru ayaa la sheegay in laga soo qabtay deegaanka Liboi ee hoostaga Gaarisa, waxaana la sheegay in ay hadda uu gacanta laamaha ammaanka Kenya uu ku jiro Badru.

Agaasinka Danbi baarista iyo Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo bandhigtay sawirada raggaan afar maalin ka hor, iyadoo sheegtay in loogu yaboohayo ciddii xogta raggaan keenta Hal milyan oo dolar.

Goobjoog News