U bood dhigaalka

Rag Qorsheeyay Qarxinta Guri Ay Deggan Yihiin Soomaali Oo Lagu Xiray Maraykanka

Sheeko:Dalka

FBI-da  dalka Mareykanka ayaa sheegtay in xukunno lagu ridayo Saddex nin oo qorsheynayey inay qarxiyaan dhisme ay deggen yihiin dad Soomaaliyeed.

Saddexda nin ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Curtis Allen oo 49 jir ah, Gavin Wright oo 49 jir ah iyo Patrick Eugene oo 47 jir ah waxaana lagu soo eedeeyey inay isticmaaleen hubka sida weyn wax u burburiya halka lagu magacaabo Garden City ee gobolka Kansas.

Saraakiisha waxay sheegeen in kooxdani ay ka mid yihiin maleeshiyaad wada kacdoonno ka dhan ah dowladda islamarkaana diiddan dadka soo galootiga ah.

Shirqoolkan lagu qarxin rabay dhismaha dadka Soomaaliyeed ee muhaajiriinta  ah ay deggen yihiin ayaa la fashiliyey, saraakiisha waxay sheegeen in kooxdani ay dooneysay inay qaraxyada kusoo beegaan maalinta doorashada ee dalka Mareykan.

FBI-du waxay intaas ku dareen in kooxdani ay doonayeen inay qaraxyada ku fuliyaan waxyaaba badan oo ay isku dardareen si ay u geystaan khasaare xooggan waxaana raggani hadda ku socda baaritaanno dheeri ah iyadoo sida la sheegay ay jiraan dad kale oo ka caawinayey kooxdani qaraxyada

Goobjoog News