U bood dhigaalka

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya oo baaq u diray maamullada Puntland iyo Galmudug

Sheeko:Dalka
Cabdiweli Sheekh
Cabdiweli Sheekh

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ugu baaqay maamullada Puntland iyo Galmudug in ay wada hadal ku dhammeeyaan khilaafka duullimaadyada diyaaradaha ee garoomada Gaalkacayo, isla-markaana laga fogaado wax kasta oo dhaawacaya nabadda iyo wada noolaanshaha dadka deegaanka.

Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in guddi wasiiro ah uu u xil saaray in ay ka hawl galaan khilaafka Gaalkacyo, waxaana guddigaasi uu xiriir la samaynayaa madaxda labada dhinac si loo debciyo xiisada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xiriir la sameeyey madaxda Puntland iyo Galmudug oo ay si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha khilaafka, isagoo ku dhiirri geliyey in si nabad ah loo soo af jaro muranka ka dhashay xayiraada duulimaadyada rayidka ah.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo soo dhoweeyey ifafaalaha isfahanka ee labada dhinac ee ku aadan joojinta xiisadda iyo aqbalidda wada hadal lagu soo af jarayo khilaafka ayaa soo saaray baaq ka kooban shan qodob:

1. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Puntland iyo Galmudug in ay joojiyaan wax kasta oo keeni kara xiisad colaadeed.

2. In shuruud la’aan la fasaxo dhammaan adeegyada duulimaadyada ee deegaankaasi.

3. In dhakhso la bilaabo wada hadal lagu dhammaynayo khilaafka garoomada.

4. Xukuumadda Federaalka waxay ballanqaadaysaa in ay fududeyso qabsoomidda wada hadalka iyo dhamaystirka khilaafka labada dhinac.

5. Xukuumaddu waxay u dirtay labada maamul guddi khuburo ah oo kala shaqeeya arrimaha farsamo ee duullimaadyada.