U bood dhigaalka

Cabdiweli: 2015-ka ma jiri doonto meel Soomaaliya ka tirsan oo shabaab maamulaan

Sheeko:Dalka
RW Cabdi weli Sheekh
RW Cabdi weli Sheekh

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay in marka la gaaro sanadka 2015-ka gudaha dalka laga weyn doono dhul ay maamulaan xarakada Al-shabaab.

Hadalkan ayuu ra’iisal wasaaruhu ku qoray bartiisa Twitter-ka isaga oo ku sugan magaalada London.

“Xasilloonida iyo horumarka dib ayay ugu soo laabanayaan dalka, mana jiri doonto 2015-ka dhul ay kontoroolaan kooxda Al-shabaab” ayuu yiri Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale beeniyay warar dhawaanahan soo baxayay oo sheegayay in uu jiro khilaaf kala dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Isaga oo ka hadlayay kulan uu la qaatay jaaliyada soomaalida ee magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska ayaa ra’iisul wasaaruhu wuxuu ku tilmaamay wararka noocaasi ah kuwa been abuur ah.

“Waxaan idiin cadeynayaa aniga iyo madaxweynaha ma jiro khilaaf naga dhexeeya, madaxduna waa kuwo mideysan, waa la kala fikir duwanaan karaa, balse ma jiro khilaaf noo dhexeeya wararkaas been abuurka ahna warbaahinta qaarkeed ayaa horay u baahiyay, idinkuna markaad wararkaas oo kale aqristaan ayaad canaan noo soo jeedisaan,” ayuu yiri ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdiweli.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayey warar sheegaya in khilaaf u dhaxeeyo madaxweyne Xasan iyo R/wasaare C/weli, iyadoo arintaas la sheegay in ay xoogeysatay kadib markii golaha wasiirada si kedis ah xilka uga qaadeen agaasimaha hay’adda nabad sugidda Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali San-baloolshe.