U bood dhigaalka

Ra'iisal wasaare Cabdiweli oo furay wada hadalada dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland

Sheeko:Dalka
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta si rasmi ah u furay wada hadallada xukuumadda Federaalka iyo maamulka Puntland ay ku yeelanayaan magaalada Garoowe.

Wada hadaladan ayaa looga gol leeyahay in lagu xalliyo khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.

Qodobada ugu muhiimsan ee diirada lagu saarayo ayaa lagu sheegay in ay ka mid yihiin shidaal qodista, Federaalka iyo deeqaha gargaarka.

Ammaanka guud ee magaalada Garoowe ayaa maanta oo Sabti ah si wayn loo adkeeyay waxaana lagu wadaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa in ay ku sii sugnaadaan magaalada Garoowe maalmaha soo socda.

Wada hadalka ayaa socon doona muddo saddex cisho ah.