U bood dhigaalka

Ra'iisal wasaare Cabdiweli oo Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Switzerland

Sheeko:Dalka

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Switzerland.

Wefdigan uu la kulmay Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa hogaaminayey Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Switzerland H.E. Yves Rossier , waxaana kulankaasi uu ka dhacay aqalka madaxtooyada Soomaaliya, wasiir ku-xigeenka arimaha dibedda Soomaaliya ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta kulankaasi ka qeyb galay ee wefdia soo dhoweeyay.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa war fidiyeenada la hadlay kulanka kadib waxa uu sheegay in isaga iyo Yosef Rosseir ay ka wada hadleen arrimaha xiriirka labada dowladood, taageerada dowladda Switzerland ee dib u dhiska Soomaaliya iyo gargaarka ka socda gobollada ay abaaraha saameeyeen.

Cabdiweli Sheekh ayaa xusay in dowladda Switzerland ay tahay dowlad ku dhisan nidaamka federaalka isla markaana ay Soomaaliya ka gacan siin dootoa dhismaha howshaasi.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Switzerland H.E. Yves Rossier  ayaa sheegay in soo dhoweyn kadib ay isla meel dhigeen ra’iisul wasaaraha dhammaan qodobada, dhismaha, gargaarka gacan siinta ammaanka, dhaqaalaha, siyaasadda oo ay ugu horeyso dhismaha maamullada Federaalka iyo arrimo kale.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa wadda dadaallo looga faa’ideysanayo ee ah in Soomaaliya laga taageerayo arrimo badan, dowladda Switzerland ay ka tahay wadamada diyaarka u ah in Soomaaliya ku guuleysato hiigsiga 2016-ka.