U bood dhigaalka

Ra'iisal wasaare Cabdiweli oo saaka dib ugu soo laabtay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdigiisa oo safar shaqo kaga yimid wadamo ka tirsan qaarada Yurub ayaa ka soo degay garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa garoonka Aadan Cadde wafdiga ra’iisal wasaaraha ku soo dhaweeyay ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda, xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada iyo xildhibaanno.

Cabdiweli Sheekh Axmed oo uu wehliyo wasiirka warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa safar shaqo ku tegay wadamada Ingiriiska iyo Norway.

Dowladda Norway ayaa u ballan qaaday xukuumadda Soomaaliya in ay ka caawineyso dhinacyada dhismaha ciidamada qalabka sida iyo ammaanka.