U bood dhigaalka

Ra’iisalwasaare Rooble oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Heshiiska Shidaalka

Sheeko:Amniga
Ra’iisalwasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaci-darro ku tilmamay heshiis la sheegay inuu ku saabsanaa Shidaalka dowladda federalka Soomaaliya ay la gashay shirkadda lagu magacaabo Coastline.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Maxamed Xusen Rooble ayaa waxaa lagu sheegay inuu heshiiskaas uu yahay mid waxba kama jiraan ah, waxaana horay uu isaga bari yeelay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib qoraal uu soo saaray caawa, waxaana qoraal kooban oo xafiiska Raiisalwasaare Maxamed Xuseen Rooble lagu yiri.
“Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan. Ra’iisulwasaraha ayaa qaadi doonaa tallaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed”.
Heshiiska Shidaalka ayaa waxaa lasheegay in dowladda Soomaaliya ay la gashay shirkadda inuu ku qornaa ilaa 7 xirmo, waxaana dowladda Soomaaliya u saxiixay wasiirka Batroolka iyo Macdanta xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya, kaas oo la sheegay inuu isagu saxiixay heshiiska Shidaalka 7 xirmo ee dowladdu la gashay shirkadda Sahminta Coastline.
Goobjoog News