Raiisalwasaare Xasan Cali Kheyre Oo Kormeer Ku Tegay Xarun Wasaarad Iyo Saldhig Ciidan

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xukuumadda federalka ee Soomaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa  kormeer ku tegay xarunta wasaaradda maaliyadda iyo saldhigga booliiska degmada Xamar Weyne ee gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaradda maaliyadda kula kulmay wasiiru dowlaha wasaaradda ahna ku-simaha wasiirka, xisaabiyaha guud iyo agaasimaha guud ee wasaardda, waxa uuna kala hadlay dardar gelinta shaqooyinka hor-tebinta leh ee wasaaradda gaar ahaan halbeegyada wasaaraddu ay ku leedahay tubaha qaranka

Saldhigga booliiska degmada Xamar-wayne ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre sidoo kale kormeer ku tegay, waxa uuna war-bixinta amniga degmada ka dhagaystay taliyaha saldhigga, isaga oo ku bogaadiyay shaqada ballaran ee ay booliisku bulshada u hayaan bulshada ku dhaqan dagmada .

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ugu dambayn booqasho ku tegay suuqa degmada Xamar wayne ee gobalka Banaadir, waxa uuna qaar kamid ah ganacsatada iyo dadka usoo dukaamaysiga tegay ka waraystay xaaladda ganacsi iyo  mida amni ee suuqa dagmada Xamar-wenye.
Goobjoog.News

Related Articles

3 Comments

  1. Thanks for every other excellent post. The place else may anyone get that kind of info in such an ideal approach of writing?
    I’ve a presentation next week, and I’m on the
    look for such information.

  2. Hi, Neat post. There is an issue with your website in internet explorer, could
    test this? IE nonetheless is the market chief and a
    large portion of people will pass over your magnificent writing due to this problem.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW