U bood dhigaalka

Ra’iisalwulsaare Rooble oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Xilidhibaan Aamina

Sheeko:Amniga
Ra’iisalwasaaraha xukuumadda federalka Maxamed  Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey geerida allah unaxariistee Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi oo lagu dilay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana qoraal kooban uu soo dhigay baraha bulshada uu ku yiri.
Halkaan Ka Akhriso
Waxaan erayada ugu adag ku cambaareynayaa falkii argagixiso ee caawa lala beegsaday Allaha u naxariistee xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay Baladweyne.
Waxaan murugada la qeybsanayaa ugana tacsiyeynayaa qoyskeedii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed geerida Xildhibaan Aamina.
Waxaan farayaa hay’adaha amniga ee ku shaqada leh in ay baaritaan waafi ah ku sameeyaan sidii uu u dhacay falkan waxshinimo ee lagu dilay xildhibaanadda.
Xildhibaan Aamina oo tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo baadi doonka caddaaladda, waxay dadkeeda iyo dalkeeda ugu soo shaqeysay sida ugu wanaagsan ee karaankeeda ah.
Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Firdows ugu deeqo, ehelkeeda iyo ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.
Goobjoog News