U bood dhigaalka

Ra’iisu Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo Sheegay In Dowladda Ay Garab Taagan Tahay Shirka Ka socda Cadaado

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo maalintii shalay ahayd furay wejiga Labaad ee shirka maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Galgaduud ayaa sheegay in shirka ka socda magaalada Cadaado ay dowladda garab taagan tahay.

Waxa uu Ra’iisul wasaaraha sheegay in ay muuqato rajo ku aadan in howlaha hadda harsan lasoo gabagabeeyo kahor bisha Ramadaan oo maalmo ay naga xigaan.

Dhinaca kale magaalada Cadaado waxaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay Ra’iisul wasaaraha, iyadoo halkaasi sidoo kale ay ku sugnaayeen, xildhibaanno, wasiiro iyo mas’uuliyiin kale.

Xafladii soo dhoweynta ee xalay ee reysal wasaaraha loogu sameeyay magaalada cadaado ayaa timid kadib markii golaha xukuumada soomaaliya ay xaliyeen tabashooyinkii maalmahaan ka jiray shirka magaalada Cadaado iyo sida ay wax u socdaan.

Wejiga Labaad ee shirka Cadaado waxaa lagu soo xuli doonaa xildhibaanada baarlamaanka maamulka loo sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Goobjoog News