U bood dhigaalka

Ra’iisul-wasaaraha Ciraaq Oo Ka Badbaaday Isku Day Dil

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaaraha dalka Ciraaq Mustafa Al-khadimi, ayaa xalay ka badbaday isku day lagu doonayay in lagu qaarijiyo.

Isku dayga dilka ra’iisul wasaaraha ayaa ka dhacay xilli dambe xalay hoygiisa kadib markii lagu soo weeraray hoygiisa diyaarad nooca drone-ka ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Mid ka mid ah ilaalada ra’iisul wasaaraha ayaa qaraxa diyaaradda uu ka soo gaaray dhaawac.

Mustafa ayaa qoraal uu soo dhogay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu aad uga xunyahay dhaawaca soo gaaray Ilaaladiisa.

Xaaladda dalka Ciraaq ayaa aad u kacsan labadi maalin ee la soo dhaafay.

Goobjoog News