U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Sheegay Inay Ka Walaacsan Yihiin Xiriir Dhexmara Al-shabaab Iyo ISIS

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in aysan hadda jirin Qatar ay ka baqayaan oo kaga imaan karta Al-shabaab, isaga oo tilmaamay inay halis amni noqon karto xiriirka cusub ee Al-shabaab iyo ISIS.

Hailemariam ayaa isagoo wareysi siinayay BBC qeybta Africa wuxuu sheegay in dowladda Itoobiya aysan jirin cabsi ay ka qabto weerarro kaga yimaada Xarakada Al-shabaab.

Desalegn ayaa sheegay in arrinta culeyska noqon karta ay tahay xiriir cusub oo ay yeeshaan Alshabaab iyo kooxda ISIS oo ka dagaallanta wadanka Siiriya.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay feejigan tahay oo taxadar ay ka qabto dagaalka ay kula jirto Alshabaab isagoo intaas raaciyay in Shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin.

“Taxadar ayaan ka muujinay dagaalka aan kula jirno ALshabab waxaana xaqiiqdii taageernaa dadka Soomaaliyeed waana dadka Soomaaliyeed kuwa la dagaallama Al-shabaab, annaguna gacan ayaan ku siineynaa”.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa yiri “Dowlada Ethiopia iyo ciidamadeeda waxay joogaan Soomaaliya si ay u taageeraan dadka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Al-shabaab, marka Al-shabab hadda waa sii baaba’ayaan”

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa dhinaca kale sheegay in hadda walaaca ay qabaan ay tahay arrinta ku aadan in Al-shabaab ay xiriir la sameyso ISIS, balse waxa uu tibaaxay inaanay jirin qatar aad u weyn.

“Walaaca aan hadda qabno  wuxuu yahay sida Al-shabab ay u doonayaan iney xiriir la sameeyaan ISIS iyo kooxaha kale ee argagixisada ah marka arrintaas ayaa ah mida aan diiradda saareyno haddana ma jirto Qatar weyn”

Hadalka Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli wadamada Afrikaanka ah ee Soomaaliya ay ciidamada ka joogaan ay inta badan sheegaan inay ka baqanayaan weerarro kaga yimaada Al-shabaab oo gudaha wadamadooda ka dhaca sida wadanka Uganda oo dhowr jeer digniin ceynkaasi ah uu soo saaray.

Goobjoog News