U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha oo Xabsi Cusub dhagax dhigay Sanad guurada 46-aad ee ciidamada Asluubta

Sheeko:Dalka

Xaflad ay ka soo qeybgaleen labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, xafladda waxaa lagu maamuusay 46 sano guuradii ka soo wareegatay aasaaska ciidanka asluubta Soomalaiyeed

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ciidamada asluubta ugu hambalyeeyay 46 sano guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidanka asluubta Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhagax dhigay xabsi cusub oo laga furay magaalada Muqdisho.

Xabsiga ayaa laga furayaa xerada asluubta, waxaa dhisaya dowladaha Ingiriiska, faransiiska iyo Un-ka

Taliyaha ciidanka asluubta ayaa sheegay in xabsiga uu noqonayo xabsiga ugu weyn Afrika, oo loo dhameystiri doono dhammaan agabyada uu xabsi u baahan yahay sida jiifka iyo waxabarshada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhankiisa soo dhaweeyay, isagoo ku tilmaamay tillaabo horay loo qaaday