U bood dhigaalka

Ra’iisul wasaaraha Sudan Oo Shaaciyay In Uu Is-casilay

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha dalka Sudan Cabdalla Hamdok ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka ra’iisul wasaranimo ee dalka Sudan.

Sudan ayaa muddooyinkii u dambeyay wajaheysay xoogag is diidan oo xukunka isku haya, kuwaas oo ay kala hogaaminayeen ra’iisul wasaaraha iyo sarkaalka afgambiga horkacayay Abdel Fattah al-Burhan.

Bishii October ee sanadkii hore afgambi ka dhacay dalka Sudan ayaa xukunka looga tuuray ra’iisul wasaare Hamdok xilligaasi oo xabsi guri loo taxaabay.

Wadahadal kadib ra’iisul wasaaraha ayaa la soo daayay iyadoo awooddiisi dib loogu soo celiyay kadib afgambiga ciidamada militeriga sudan ay ku sameeyeen xukuumadiisa.

Banaan baxyo waaweyn ayaa tan iyo markaas ka socda magaalooyinka waaweyn ee dalka Sudan kuwaas oo shacabka ay ku diidan yihiin xukunka in ay la wareegaan ciidamada militeriga.

Ra’iisul wasaare Hamdok ayaa sheegay in uu doonayo in la gaaro heshiis xaaladda adag ay kaga gudubto sudan kaas oo dib ugu soo celinaya wadada dimoqoraadiyadda.

“Waxaan go’aansaday in aan dib u celiyo mas’uuliyadda, oo aan ku dhawaaqo in aan iska casilayo xilka ra’iisul wasaaraha, oo aan fursad siiyo nin ama haweeney kale oo dalkan sharafta leh … ka caawiaya sidii uu uga gudbi lahaa inta ka hadhsan xilliga ku meel gaadhka ah si uu u noqdo waddan rayid ah oo dimuqraadi ah.” ayuu yidhi Hamdok.

Goobjoog News