U bood dhigaalka

Ra'iisul wasaare Cabdiweli oo aqbalay go'aanka Golaha Baarlamaanka (War-saxaafadeed)

Sheeko:Dalka

cweliMogadishu, 06 December 2014— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa aqbalay go’aankii golaha Baarlamanka F. Soomaaliya ay maanta kalsoonida ugala laabteen Xukuumadda uu Hoggaamiyo.

“Ra’iisul Wasaare Cabdiweli wuxuu aqbalay go’aankii golaha Baarlamanka F. Somalia uu kalsoonida ugala noqday Xukuumadda, wuxuuna R.W faah faahin dheeraad ah bixin doonaa maalinta berri ah” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Ridwan Xaaji Cabdiweli.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed, gudaha iyo dibadda taageeradii buuxday iyo kalsoonidii ay siiyeen xukuumadiisa mudadii ay shaqeyneysay.

—-Dhammaad—-