U bood dhigaalka

Ra'iisul wasaare Cabdiweli oo faahfaahiyay safaradii uu ku tagay Ingiriiska iyo Norway

Sheeko:Dalka
Cabdiweli Sheekh
Cabdiweli Sheekh

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa faah faahin ka bixiyay safaro kala duwan oo uu ku soo maray wadamo ka tirsan qaarada Yurub kadib markii maanta uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

“Kadib safar shaqo oo asbuuc qaatay waxaan si nabad ah ugu soo noqonay dalka, Ugu horeyn safarkayagu waxaa ugu muhiimsanaa shirkii magaalada London ee looga arrinsanayey xoojinta awoodda ciidankeenna oo ay ka soo baxday natiijo la taaban karo, waxaana la isla gartay si ammaanka wax looga qabto in loo baahan yahay in la taageero ciidankeenna” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cabdiweli

Mudane Cabdiweli oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Ammaanka Soomaaliya waxaa hanan kara ciidan Soomaaliyeed oo xirfad iyo awood leh, sidaa awgeed waxay beesha caalamku nala garatay in maanta la joogo xilligii ciidamadeena la taageeri lahaa. Balan-qaad wanaagsan ayaa shirkaasi ka soo baxay, waxaana aan filaynaa in laga dhabayn doono ballantaasi”

Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa tilmaamay in magaalada Oslo ee dalka Norway uu kula soo kulmay dhiggiisa dalkaasi, isla markaana ay ka wada hadleen doorka dowladdaasi ee dhismaha Soomaaliya qeybo kala duwan iyo in ay gacan ka geystaan horumarinta garsoorka Soomaaliya.

“Waxaan sidoo kale safar ku tagnay waddanka Norway oo ka mid ah wadamada daneeya Soomaaliya, runtiina wax badan inala qabta, waxaan wada xaajood dheer la qaadanay madax sare oo dalkaasi ka tirsan. Wada hadaladii laba-geesoodka ahaa ee na dhex marayna waxaa marka kowaad lagu xoojinayey xiriirka labada dal, iyadoo sidoo kale laga wada arrinsaday dhinacyada horumarinta iyo meelaha ay inaga taageeri karaan” ayuu hadalkiisa ku daray Ra’iisul wasaaraha.