Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo si kulul uga hadlay weerar Al-shabaab ay ku qaadeen Bas ay saarnaayeen Shacab Kenyan ah

cweliRa’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa si kulul waxa uu u cambaareeyay weerar ciidamad Al-shabaab shalay ku qaadeen gaari Bas ah oo ay saarnaayeen shacab u dhashay dalka Kenya, kuwaa oo kusii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

War-saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in xukuumada Soomaaliya ay aad uga xuntahay falkaasi lagu laayay dadka shacabka ah.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed waxa uu tacsi u diray dowladda Kenya iyo Shacabkeeda, waxaana dhanka kale uu xusay in la dar dar gelin doono dagaalada lagula jiro Al-shabaab.

Shalay ayaa Al-shabaab waxay weerar ku qaadeen gaari Bas ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah una badan macalimiin, kaa oo maraayay deegaan ku dhaw degmada Mandheere ee gobalka Waqooyi Bari Kenya, waxaana uu ku wajahnaa Magaalada Nairobi, iyaga oo halkaasi ku dilay 28 qof.

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW