U bood dhigaalka

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh oo rajo ka muujiyay in uu dhamaado khilaafka kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa rajo wanaagsan waxa uu kanuujiyay in xilligaan uu dhamaado khilaafka kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaaraha in uu aad u rajeynayo xilliyada soo aadan in uu dhamaado khilaafkaan, waxaana uu tilmaamay in isaga uu aad uga xunyahay khilaafkaan.

Shirka la filaayo in uu ka dhaco dalka Denmark ee Arimaha Soomaaliya ayuu sheegay in tani aanay saameyn ku yeelan doonin, laakiinse waxa uu qiray in ay jiraan wal walka ku aasan saameynta uu shirkaasi ku yeelan karo khilaadka Madaxda.

“Rajo ayaan ka qabnaa in arintaan jirta ee nasiib darada ah oo aadna uga xumahay in saameyn u geysan shirka Copenhagen, iyo howsha dowladda, baqdin wey jirtaa oo in saameyn uu shirkaasi u geysto, laakiin waxaan ilaahay ka rajeynayaa in khilaafka uu si dhaqsi ah u dhamaado” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Waxaa dhawaan cirka isku sii tolay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Mxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, kaa oo sii laba kacleeyay markii 25-ka bishii aynu kasoo gudubnay uu Ra’iisul wasaaraha isku shaandheyn sameeyay.

Wasiiro ka mid ah xukuumada Soomaaliya, tiradoodana ku sheegay 16, waxa ay sheegeen in qoraal ay u gudbiyeen Ra’iisul wasaaraha kaa oo ay kaga codsanayaan in uu is casilo.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Ra’iisul wasaaraha.

Goobjoog News