U bood dhigaalka

Ra'iisul wasaare Cabdiweli “Waxaan diyaar u ahay inaan aqbalo wasiirkii doonaya inuu is casilo ee garowsada inuu gudan waayay xilkii uu qaranka u hayey” (War-saxaafadeed)

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ka hadlay qoraal ay u gudbiyeen wasiiro ka mid ah xukuumada Soomaaliya, taa oo uga dalbanayeen in uu is casilo.

War-saxaafadeed kasoobaxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa looga hadlay arintaasi iyo sida uu u arkay Ra’iisul wasaaraha, waxaana wasiirada la faray shaqadooda in ay u gutaan sidii loogu tala galay.

War-saxaafadeedka ayaa sidaan u qornaa:-

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Wasiir ka tirsan xukuumadda oo sheegay in 14 wasiir ay Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyeen warqad ay kaga dalbanayaan inuu is casilo, waxaana xafiisku sheegay in warqadaas aysan soo gaarin.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda markuu arkay qodobka 97-aad ee Dastuurka Soomaaliya faqradihiisa 1,2,3 iyo 4-aad. Markuu arkay Qodobka 100-aad farqradihiisa (a) iyo (b) Markuu tixgeliyey waqtiga adag ee dalku marayo, wuxuu go’aamiyay:

• In xubnaha Golaha Wasiirada oo ah awoodda fulinta dalka ay howlahooda shaqo u gutaan si waafaqsan Dastuurka iyo sharciyada dalka, isla markaana aanay qeyb ka noqon khilaafka iyo dhibaatada la doonayo in lagu naafeeyo dadaalka xukuumadda iyo qorshaha hiigsiga cusub ee 2016.

• Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya wuxuu si cad u xaqiijinayaa inuu u taagan yahay maslaxada dalka iyo horumarinta danta guud ee Qaranka, isla markaana uusan aqbali doonin wax alla wixii ka horjeeda Dastuurka iyo sharciyada dalka u yaalla ee la doonayo in lagu kala daadiyo dowladnimada Soomaaliya iyo mustaqbalka u soo ifaya dadka iyo dalka.

• Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu dib ugu xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed inuusan ka leexan doonin wadada sharciga ah, wuxuuna uga mahadcelinayaa dadweynaha, Xildhibaanada iyo guud ahaan shacabka taageerada ay siiyeen xukuumadda iyo hoggaankiisa.

• Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu dhammaan xubnaha Golaha wasiirada ku adkeynayaa inay sii xoojiyaan shaqada ay u hayaan ummadda, kana digtoonaadaan inay noqdaan gacmhii loo adeegsan lahaa burburinta sharciga iyo dowladnimada; wuxuuna diyaar u yahay inuu aqbalo wasiirkii doonaya inuu is casilo ee garowsada inuu gudan waayay xilkii uu qaranka u hayey.

• Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu soo dhoweynayaa dadaalka ay wadaan beesha caalamka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay sii wadaan taageerada ay u hayaan qaranimada iyo in sharcigu sarreeyo. 

Ugu danbayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar labaad ku adkeeyey xubnaha golaha wasiirada in howl maal meedka ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed si habsami ah u gutaan si dalka loo gaarsiiyo himilada 2016.

—DHAMMAAD—-

Waaxda Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya 
Muqdisho, Soomaaliya 
[email protected]

Goobjoog News